kaas la isku weydaarsadey warbixinno ku saabsan xaaladda wadanku uu ku suganyahay maanta.
Waxay labada dhinacba isku aragti ka ahaayeen in ka bixitaanka xilligaani uu u baahan dadaal badan
iyo wada shaqayn dheeraada oo dhexmarta ururada bulshada rayidka.
Waxaa wada haddalkaas dhinaca Hiilqaran guddoomiyaha la qaatay, avv. Musse Ahmed Hersi, oo ah
xubin ka mid golaha dhexe een Hiilqaran, iyo madaxa qaybta Hiilqaran Holland dr.Ali Abdi Waare.
Waxay madaxda Hiilqaran guddoomiyaha iyo ururkiisa uga mahadceliyeen kaalinta uu ka qaatay
horumarinta bulshada ilaa intii wadanku uu burbursanaa. Gaar ahaan dhinaca waxbarashad Sare.
Ururka Hiilqaran oo ay ka mid yihiin dad badan oo aqoon yahan ah, ayaa waxay weligoodba
taageersanayaan dadaalka ay ay al islaax iyo hayadaha kaleba oo la mid ahi ay ka wadeen dalka.
Mawduucyada laga wada hadlay ee labaduba ay danaynayaan xilligan waa in la helo cod midaysan
oo ka jawaabaya duruufaha adag oo maanta ay sugantahay ummadda Soomaaliyeed. Iyo inay ka
shaqeeyeen iyaga iyo cidii kale oo ay kaashankaraanba gaaritaanka bulsho Soomaaliyeed oo nabad ku
wadanool kana shaqaysa horumarka iyo wannaaga ummaddooda dhinac kasta.
Waxay masuuliyiintu ballanqaadaan in ay gollayaashooda iyo maamuladooda la wadaagi doonaan
sidii loo dardar gelin lahaa hergelinta ujeedada aan soo sheegnay. Taasoo ah in la helo qaab iskaashi
oo si run ah u xaqiijinaya ujeedadaas.
Tuesday, 12 June 2012 06:25
Kullan Dhexmaray Guddoomiyaha ISlaax iyo Madax Xisbiga Hiilqaran
Waxaa beryahanba dalka holland booqasho ku joogay dr. Ali Baashe oo ah Guddoomiyaha
dhaqdhaqaaqa al Islaax. Al islaax oo ah urur ka mid ururada si weyn uga qaybqaatay ka shaqaynta
adeegyada muhiimka ah oo bulshada Soomaaliyeed ka maqnaa, la'aanta dawladdii dhexe oo
Soomaaliya darteed.
Guddoomiyuhu intii uu joogay dalka Holland wuxuu wadahadallo ku saabsan maxladda uu dalku
marayo la yeeshay qaar ka mid bulshada rayidka ah ee ku nool wadankan Holland.
Tusaale ahaan wuxuu Dr. Ali Baashe kulan la qaatay madax sare ee Xisbiga Hiilqaran,. Waxa kulan
We are working hard for the changes in Somalia.