"Anigu lacag ma soo doonan ee waxaan halkan u imid sidii aan inta cimrigeyga ka dhiman uga faa'iideeyo aqoontayda iyo kartideyda shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiir Prof. Samatar oo soo dhaweeyay horumarrada dhinaca nabadda ah ee ay ku tallaabsatay Muqdisho sannadkii ugu dambeeyay.
Sidoo kale, Prof. Samatar wuxuu sheegay inuu kobicin doonno haddii uu xafiiska ku guuleysto sidii uu u hormarin lahaa, aqoonta, caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha dalka.
Murashax Prof. Samatar wuxuu ballanqaaday in maalinta uu xafiiska ku fariisto uu ka shaqeyn doono sidii uu dib ugu mideyn lahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo sheegay in wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Soomaaliland u soo dhaweynayo.
"Madaxnimada waxaa saldhig u ah sida aan qabo saddex qodob oo kala ah: inuu ku yimid mas'uulku doorasho xalaal, inuu karti u leeyahay howsha dusha laga saarayo iyo inuu cadaalad wax ku maamulo," ayuu yiri Samatar oo sheegay inuu intaba ku dhaqmi doono.
Guddoomiyaha xisbiga Hiil-Qaran, Prof. Ibraahim Macallin Mursal oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Prof. Samatar uusan isagu dooran inuu u tartamo xilka madaxnenimo ee Soomaaliya, balse ay u doorteen xubnaha xisbiga.
"Xisbiga Hiil-Qaran wuxuu u magacaabay Prof. Samatar inuu uga qaybgalo tartanka doorasho ee dalka ka dhacaya," ayuu yiri Prof. Mursal oo hadalkiisa raaciyay in qorshaha xisbigooda uu yahay inuu dalka ka badbaadiyo dhibaatada muddada dheer soo jirtay.
Sidoo kale, Xamdi Cabdulle oo ka mid ah mas'uuliyiinta xisbiga oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa sheegtay in Prof. Samatar ay aad u taqaanno uuna yahay mas'uul hoggaamin kara dalka.
Ugu dambeyn, dadweynihii munaasabadda kasoo qaybgalay ayaa waxaa la yaab ku noqotay hadal uu sheegay Prof. Axmed I. Samatar oo ahaa inuu ku shaqeyn doono haddii uu madaxweyne noqdo ha dollar oo keliya, heshiiska mushaarkiisana uu ku hor saxiixi doono shacabka hortiisa.
Madasha lagu soo bandhigay murashaxnimada Prof. Axmed Samatar ayaa waxaa laga qaybiyay warqado ka hadlayay taariikhdiisa nololeed iyo middii waxbarasho, iyadoo dadku ay aad ula yaabeen jaamacadaha uu waxbartay iyo kuwa baraha ka noqday.
Source : http://www.hiiraan.com/
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Muqdisho, Soomaaliya
We are working hard for the changes in Somalia.