25May2013

Dood cilmiyeed ay qabteen dhalinyada xisbiga HiilQaran Muqdishu

Taariikh jimco 12-04-2013

Dood cilmiyaadkan oo ay dhalinyarada ay ugu doodaayeen Midnimada Umada Soomaaliyeed, Midnimada heerka ay Umadaha aduunka ku gaareen hadii aan  midnimo jirin aan la heleen hormar iyo jiritan midna, si aan isku xusuusino midnimada  uguna sheekeysano diin ahaan iyo dhaqan ahaan sida aan ugu mideesanahay waxa kaliya ee nagu dhaxjiraa ay tahay danaha shisheeye ee qof walba si loo adeegsado isagoon la eegeen mida guud. Doodaan ay joob joog ka aheen inta badan dhalinyarada Xisbiga HillQaran iyo Qaar ka mid ah Ardayda Jamacadaha Magaalada Mudisha ka jira oo dooda qeyb ka ahaa. Dooda waxaa qaybinaayay Cabdulwaaxid Xuseen Xasan oo ah Caawihya Xafiiska Muqdisho ee Xisbiga HiilQaran. Waxan halkan idinkugu soo koobayaa waxyaabihii la iskula soo qaaday doodaa intooda ugu nuxurka badan anigoo halkaan kusoo wada koobi Karin dhaman wax yaabihii lagawada hadlay.

Xisbiga HiilQaran
Somalinim iyo Islamnim
WARBIXIN KU SAABSAN BARAARUJIN IYO WACYI GALIN OO LAGU QABTAY XAUNTA DHEXE XISBIGA HIILQARAN MAGALADA MUQDISHU
Tarikh khamiis 14-03-2013

Barnaamij ku saabsan baraarujin iyo wacyi galin, loo qabatay xubnaha dhalinyaradda Xisbiga HiilQaran Magalada Muqdishu iyo qaar ka mid dhalintayarada dhigata  jaamacdaha Magalada Muqdisho kuwaasoo isugu jira Rag iyo dumar, oo ka dhacay Xarunta dhexe ee Xisbiga HiilQaran Magalada Muqdishu.

Tariikh: Axad, 03-03-2013

HANBALYO! HANBALYO! DHAMAAN XUBNAHA XISBIGA HIIlQARAN

Munaasabad balaaran oo lagu maamuusaayay sanad guuradii 2aad ee ka soo wareegatay aas aaskii ama yaglelidii  Xisbiga HiilQaran, waxayna ka dhacaday Xarunta dhexe Xisbig HiilQaran ee Magalada Muqdishu.Munaasabadaas wayn waxaa ka soo qeyb galay dhaman xubnaha Xisbiga HiilQaran Magalada Muqdishu oo uu ugu horeeyo Maamulaha Xafiiska Muqdishu Max’ed Xaaji Maxa’ud Rooble iyo Madaxda ugu saraysa Xisbiga HiilQaran oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha  ee Xisbiga Hiilqaran Ibrahim Mursal iyo Xoghayaha guud  Xisbiga HiilQaran Prof. Cabdi  Ismaciil Samatar iyo xubno ka tirsan guddiga siyaasada Xisbiga HiilQaran, sida Cabdi sheekh Rooble iyo Cabdimalik Yuusuf iyo waxaa kaloo kasoo qeyb galayaaasha ka mid ahaa xubnihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kumelgaarka ahaa, sida  marwo Caasho Axmad Cabdalla. Ugu horeentii munaasabada waxaa Aayado Qur’aan ah ku furay walalkeen Maxa’ed Yuusuf Ciise Socdaal , waxaa Gabay Qiiro leh oo ku aadan waxqabadkii Xisbiga HiilQaran mudadii uu dhisnaa iyo halka uu hiigsanaayo ka soo jeediyay Abwanka da’da ayar cabdirashid Maxa’ed Nuur.

Page 1 of 5
We are working hard for the changes in Somalia.

Hubs

Features

Hiil Qaran